Sunday, July 6, 2025

Dowladda Itoobiya oo dalkeeda ka ceyrisay 7 Sarkaal oo ka tirsan Q/Midoobay (Akhriso Magacyada)

Dowladda Itoobiya ayaa amar ku bixisay in dalkeed ka baxaan toddobo sarkaal oo sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay oo ay ku eedeysay inay faragelin ku sameeyaan arrimaha gudaha dalkaasi.

Arrintan ayaa kusoo beegtantay, iyadoo shaqaalaha Hay’adaha bani’aadamnimadu ay qaylo-dhaan kasoo saareen xayiraadda dowlada Itoobiya ku heyso gargaarka la geynayo Gobolka Tigreega, oo ay dagaallo ka socdeen muddo ​​11 bilood ah.

Saraakiisha Q/Midoobay ee dowladda Itoobiya ay dalkeeda ka ceyrisay waxay u qabteen muddo saddex maalmood ah , waxaana ku jira xubno ka tirsan Sanduuqa Carruurta ee Qaramada Midoobay (UNICEF) iyo Xafiiska Isku -duwidda Arrimaha Bani’aadamnimada ee Qaramada Midoobay (UNOCHA).

Waxay heystaan muddo 72 saacadood inay dalka Itoobiya uga baxaan, sida lagu sheegay bayaan ay maanta soo saartay ayay Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Itoobiya.

Xubnaha ay Itoobiy ceyrisay waxay kala yihiin:

1-Grant Leaity, ku -xigeenka isku -duwaha arrimaha bani’aadamnimada ee OCHA

2- Adele Khodr, oo ah wakiilka UNICEF ee Itoobiya

3- Kwesi Sansculotte

4- Saeed Moahmoud Hersi

5- Ghada Eltahir Midawi

6- Marcy Vigoda

7- Sonny Onyegbula, oo ka tirsan Xafiiska Qaramada Midoobay ee madaxa sare ee xuquuqda aadanaha.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres ayaa sheegay inuu ka naxay cayrinta dowldda Itoobiya ku dhaqaaqday. afhayeenka Qaramada Midoobay Stephanie Tremblay ayaa sidaasi ku sheegtay qoraal kooban.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON