Monday, July 14, 2025

Alshabaab oo macalimiin ku dishay weerar ka dhacay degaanka ka tirsan Wajeer, W/Bari Kenya

Wararka laga helayo magaalada Wajeer  ee Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegaya in aroortii saaka ay koox hubeysan weerar ku qaadeen degaanka Gaarso ayna ku dileen macalimiin ku sugnaa dugsi.

Weerarka ayaa ka dhacay iskuulka Hoose ee degaankaasim,waxaana dabley la sheegay inay Alshabaab ka tirsan yihiin ay ku dileen saddex Macalin oo kasoo jeeda Gobolada kale ee Kenya.

Taliyaha Ciidamada police-ka ee Wajeer ee Gobolka Waqooyi bari ee Kenya Mr. Stephen Ng’etich  ayaa sheegay in ciidamo badan ay u direen goobta weerarku ka dhacay. Waxaana uu intaasi raaciyey in kooxda weerarka qaaday ay adeegsadeen waxyaabaha qaraxa.

Sargaalkaan ayaa Waxaa uu intaa raaciyay in Gaari ay wateen ciidamada police-ka oo ka jawabayay weerarkaasi ay qarax miino lala beegsaday balse ay ka badbaadeen ciidamadii la socday.

Weerarka lagu dilay Macalimiinta  Wajeer ayaa  qeyb ka ah weerarro joogto ah oo dableyda Alshabab ay ku  qaadeen degaanda Gobolka W/Bari ee Kenya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON