Monday, June 23, 2025

Alshabaab oo markii Afraad toogasho ku fulisay 8 Qof oo lagu eedeeyay Basaasnimo (Tirada oo gaartay 24)

Al Shabaab ayaa markii aftaad muddo 3 malmood ah toogasho ku fulisay dad ay kusoo eedeysan inay Basaasay u ahaayeen Sirdoonka Mareykanka.

Toogashada cusub ayaa Galabta ka dhacay degaanka Kuunyo Barroow ee Sh/hoose, waxaana la toogtay 8 qof oo la sheegay inay hagayeen diyaaradaha Drone-ka Mareykanka ee duqeeya degaanada ay ka taliyaan Alshabaab.

Sida caadadda u ahayd Maxkaadda Alshabaab ee Sh/hoose ayaa sheegtay inay dhammaan eedeeysanayaasha qirteen dambiyadii lagusoo eedeeyay, waxaana lagu toogtay meel fagaaro ah.

Ad

Alshabaab waxay 27, 28 iyo 30-ka June toogasho ku fulisay 23 Nin iyo qof haween ah oo lagu soo eedeeyay inay u shaqeynayeen Sirdoonka Mareykanka iyo hal qof oo u shaqeynayey sirdoonka Ingiriiska ee MI5.

Magacyada Raggii lagu toogtay Kuunyo Barroow, waxay kala yihiin:

1- Calas Cali Cabdulle oo 51 sano jir ahaa oo lagu edeeyay inuu basaas u ahaa sirdoonka Maraykanka ee CIA_da.

- Advertisement -

2- C/waaxid Cabdullaahi Diiriye (Carrabey) oo 25 sano jir ah oo lagu eedeeyay inuu u shaqaynayay PS-ta.

3- C/Qaadir Maxamed Abow (C/Qaadir bambiiste), (33-jir) oo lagu eedeeyay inuu la howlgalayay sirdoonka Maraykanka ee CIA_da.

4- Abuu Cabdi Nuur fanaay Abuu Weershe oo 35 sano jir ah oo lagu edeeyay inuu la shaqeynayey sirdoonka Maraykanka

5- Cumar C/raxmaan Cumar Dooyow oo 36 sano jir ahaa oo lagu edeeyay inuu basaas u ahaa sirdoonka Maraykanka ee CIA_da

- Advertisement -

6- Xasan Cabdul Qaadir Cumar(Xasan Beeriyow) oo 31 sano jir ah.

7-Abuukar Cabdi Cumar (Abuukar Baseey) oo 31 sano jir ah oo lagu edeeyay inuu basaas u ahaa sirdoonka Maraykanka

8- Jeylaani Mayow Sheekhunaa oo 41 sano jir ahaa.

HALKAN KA AKHRISO LIISKA 16-KA QOF EE HORE ALSHABAAB U TOOGATAY

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON