Monday, June 23, 2025

Alshabaab oo markii ugu horeysay ka hadashay xil la wareegista Madaxweyne Farmaajo

Kooxda Alshabaab ayaa markii ugu horeysay ka hadashay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo mowqifkiisa ku saabsan AMISOM iyo ciidamada Soomaaliya.

Idaacadda kooxda Alshabaab ayaa sheegtay in qorshaha Madaxweyne Farmaajo ee ah in dib loo dhisayo ciidamada Soomaaliya uu yahay mid fashil ah oo muddo dheer ahaa mashruuc socon waayay, isla markaana aanay hor istaagi karin mujaahidiinta sida ay sheegtay.

Waxay kaloo idaacadda Alshabaab eedeyn ba’an u jeedisay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo u mahadceliyay gaalada AMISOM  ee ku soo duushay Soomaaliya.

Alshabaab ayaa sheegatay inay ka dambeysay weerarkii hoobiyeyaasha ee lagu qaaday madaxtooyada oo lagu dilay dad shacab ah, weerarkaas oo dhacay saacad ka yar markii uu xilka la wareegay madaxweyne Farmaajo.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON