Kooxda Alshabaab ayaa sheegtay inay la wareegtay diyaarad nooca is wada ee Drone ah oo ku soo dhacday degaan katirsan gobolka Jubbada Hoose.
Wararka ayaa sheegaya in duleedka magaalada Kismaayo ay ku soo dhacday diyaarad wax basaasta Alshabaab ay la wareegaan markii laga helay aaggga u dhaxeeya Kismaayo iyo Beerxaani, iyadoo noqoneysa diyaaradii labaad ee degaankaasi ku soo dhacday muddo laba toddobaad ah gudahood.
Saraakiisha Al Shabaab ayaa sheegay in diyaaraddu ay kusoo dhacday deegaanka Beerxaano, kadibna ay gacanta ku dhigeen burburka diyaaraddan oo la sheegay inuu Mareykanku leeyahay.
Ciidamada Mareykanka ayaa dhaqdhaqaaqyo ka wada goboollada Koonfurta kadib markii la kordhiyay howlgalkooda Soomaaliya iyo triada ciidamada oo gaaray 500 askari.