Wednesday, June 25, 2025

Alshabaab oo Qarax lagu xiray Meydad ku dilay mas’uuliyiin ka tirsan Gobolka Bay (Fal yaab leh)

Faahfaahin dheeraad aha yaa laga helayaa dagaal iyo qaraxyo ka dhacay deganka Goof-gaduud oo 30 KM u jira Magaalada Baydhabo.

Weerarka oo ahaa mid toos ah oo ku bilowday qarax is-miidaamin ahaa ayey Al-shabaab kula wareegeen saldhigg Goof-gaduud intii aan dib looga saarin, waxaan qasaare badan ka dhashay weerarkaasi oo labada dhinac ay guulo ka sheegteen.

Markii Alshabaab isaga baxeen saldigga Goof-gaduud ayaa la sheegay in Alshabaab ay miinooyin ku xireen meydadka askartii ay u dileen saldhigga, waxaana dhacday in mrkii meydadkaasi la qaadayey ay qarxeen, ayna ku dhinteen taliyihii saldhiga Booliska degaanka Goofgaduud Xasan isaaq Xasan (Baka), gudoomiyihii deegaankaasi  Isaaq Cali iyo ciidamo la socday.

Qarax meyd lagu xiro si loogu dilo dad kale ayaa ah arrin ku cusub qorsheyaasha Alshabaab ee mar waliba is bedela, waxayna arrintan noqotay mid aad loola yaabay oo naxdin ka dhalisay Gobolka Bay

Ciidamada dowladda ayaa guulo ka sheegtay dagaalka Goofgaduud wuxuuna taliska sheegay in lagu dilay ilaa 10 dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON