Sunday, June 22, 2025

Alshabaab oo Qaraxyo ku burburiyey Dhismihii Garoonka Magaalada Buuloburte

Shan qof ayaa ku dhaawacmay qarax lagu xiray gudaha garoonka diyaaradaha magaalada Buoloburte, kaasoo burbur xoog leh uu kasoo gaaray qeybo ay ka mid yihiin dhismahii xafiisyada garoonka.

Gudoomiyaha degmada Buloburte Axmed Mahad Nuur ayaa sheegay in Al-Shabaab ay ka dambeysay qaraxyada ka dhacay garooonka Buloburte.

Ad

Waxa uu sheegay in Al-Shabaab ay si dhuumaaleysi ah ku soo galeen garoonka, kaddibna ay qaraxa ku xireen qeybta matoorka korontada ee garoonka.

“Waxaan aad u cambaareynayaa falka argagixisada Alshabaab ay maanta ku burburiyeen garoonkii diyaaradaha degmada Buulaburde ee Gobolka Hiiraan. Waxay caadeysteen in ay cunnaqabateeyaan dadka masaakiinta ee aan waxba galabsan, dhibaateeyaan, isla markaana kala dagaalamaan horumar kasta oo ay bulshada ku hammiso,” ayuu bartiisa Facebook ku soo qoray xildhibaan Cabdullaah Goodax Barre oo ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka ee laga soo doorto gobolka Hiiraan.

Waa markii labadaad ee weerar nuucan ah lala beegsado garoonkan oo ka mid ah garoomada sida caadiga ah u shaqeeya ee gobolka Hiiraan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON