Friday, July 4, 2025

Alshabaab oo Qarxisay Ceel Biyoodkii degaan ka tirsan Gobolka Mudug ee hoos taga Galmudug

Warar laga helayo deegaanka Bacaadweyne ee Gobolka Mudug, Galmudug ayaa sheegaya in xalay ay laba qarax oo waawayn ka dhaceen, kuwaasoo lagu qarxiyey Ceel Biyood ku yaalla degaanka Shabeellow.

Dadka degaanka ayaa sheegay in Alshabaab ay xalay miino ku xireen Ceelka degaanka Bacaadweyn iyagoo kadibna qaxiyey, waxayna arintan ka mid tahay howlo ay Alshabaab ka wadeen deganaadaasi oo dhowaan ay qabsadeen, iyadoo hore u gubay beero degaanka ku yaalla.

Dadkii ku noolaa degaanada hoos yimaada Bacaadweyne ayaa ka qaxay halkaasi, markii Alshabaab ay la wareegtay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON