Tuesday, June 24, 2025

Alshabaab oo shaacisay Ciddii ay ku beegsatay Weerarkii Is-miidaaminta ee Saldhigga Biya-cadde

Alshabaab ayaa war kasoo saartay qarax is-miidaamin ah oo saaka ka dhacay degaanka Biyo-cadde ee Gobolka Sh/Dhexe.

Waxaa warka Alshabaab lagu sheegay in taliska ciidamada dowladda ee Biyo-cadde lagu qaaday weerar is-miidamin ah o lagu beegsaday saraakiil uu ka mid yaahy taliyaha Guutada 4-aad Col. Saney Cabdulle ayna ku dhaawacmeen isaga, halka lagu dilay askar badan.

“Camaliyad istish-haadi ah oo loo adeegsaday gaari ayaa saaka ka dhacday xarunta taliska ciidanka ‘dowladda’ ee deegaanka Biya Cadde Sh/dhexe. Weerarka waxaa ku dhaawacmay Korneel Saneey Cabdulle taliyaha guutada 4aad waxaana ku dhintay 10 askari'” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al-Shabaab.

Degaanka Biya-Cadde ee Gobolka Sh/Dhexe ayaa waxaa saldhig ku leh ciidamada AMISOM ee ka socda dalka Burundi, iyadoo ay sidoo kale joogaan ciidamada milatariga dowladda oo dhowaanahan howlgallo milatari ka waday Gobolka Sh/Dhexe.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON