Kooxda Alshabaab ayaa sheegatay inay weerar culus oo ay ku qaaday ciidamo huwan ah duleedka magaalada Kismaayo ay ku dishay saraakiil caddaan ah.
Warbaahinta Alshabaab ayaa sheegtay in khasaare weyn ay gaarsiiyeen ciidamada Mareykanka iyo kuwa Midowga Afrika markii weerar dhabogal ah ay ku qaadeen degaanka Buulogaduud ee duleedka magaalada Kismaayo.
Weerarka ayaa lagu beegsaday kolanyo isugu jirtay Mareykanka, Kenyaan iyo ciidamada maamulka Jubbaland, waxaana uu ahaa qaraxyo loo dhigay iyo weerar toos ah. Ma sheegin Alshabaab tirada qasaaraha weerarkaasi.
Warar qaar ayaa lagu sheegay in Gaari nooca Gaashaaman ah oo ay la socdeen ciidamo caddaan ah ay waxyeello kasoo gaartay qarax lagula eegtay meel ku dhow deegaanka Buula Gaduud oo qiyaastii 30 KM ujira magaalada Kismaayo.