Monday, July 14, 2025

Alshabaab oo shaacisay inay is-diiwaan geliyeen 150 ka mida Odayaasha dhaqanka.

Xarakada Alshabaab ayaa shaacisay inay degaanadeeda ku qulqulayaan odayaasha dhaqanka Alshabaab ee soo xulay Baarlamaanka Soomaaliya iyo kuwa maamul Goboleedyda, iyagoo ka faa’iideysanaya cafiska loo fidiyey muddo 45 maalmood ah.

In ka badan 150 oday ayay sheegeen inay iska xaadiriyeen xarumaha Alshabaab ee degaanada kala duwan, waxayna ka faa’iideysanayaan cafiska Alshabaab u fidisay inay ku towbad keenaan, haddii kale tallaabo laga qaadi doono, kadib war kasoo baxay hoggaanka Alshabaab oo ku wajahnaa odayaasha.

Akhriso: Alshabaab oo 45 maalmood u qabtay inay ku towbad keenaan Odayaasha Soo xulay Baarlamaanka

Ma jirto cid xaqijisay wark kasoo baxay Alshabaab, laakiin Taliyaha Booliska Maamulka K/Galbeed ayaa xaqiijiyey inay magaalada Baydhaba ku xireen odayaal u tegay Alshabaab oo dib ugu laabtay magaaladaasi, iyadoo xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Somalia ay hore u shaaciyeen inay Alshabaab u yeerean Odayaashii soo xulay.

Dowladda Somalai ayaan wax tallaabo ah u qaadin arrintan, waxayna qeyb ka tahay ololeyaasha Alshabaab oo hore cadaadis ugu hayey ganacsatada, haddana u wareegay odayaasha dhaqanka oo hore ay u leyn jireen, iyagoo dilay boqolaal ergo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON