Thursday, April 18, 2024

Alshabaab oo shaacisay Magaca & Beesha Ninkii fuliyey Weerarkii Is-miidaaminta ee Madaxtooyada [Akhriso]

Kooxda Alshabaab ayaa shaacisay is-miidaamiyihii fuliyey qarixii Sabtidii 14-ka bisha ka dhacay Taallada SYL ee magaalada Muqdisho oo qeyb ka ahaa weerar ay Alshabaab ku qaaday baraha laga ilaaliyo Madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Ninkan is-miidaamiyey ayay Alshabaab magaciisa ku sheegtay Maxamed Xuseen Sheekh  Rooble, waxaana loo yiqiin Cabdi Ladhiif, ama Deeqoow Xiirane, isagoo da’diisu ahayd 24 sano jir, kasoo jeeda degmada Jilib Gobolka Jubada Dhexe, wuxuuna u dhashay beesha Jiido ee degta Koonfurta Soomaaliya.

Wareysi  dardaaran ah oo ay la yeelatay Idaacadda Alsahbaab ee Andalus intii uusan falka is-miidaaminta ku dhaqaaqin ayuu uga hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan wixii ku kalifay weerarka.

Ad

Is-miidaamiyahan ayay u suuragashay inuu Gaari uu watay ka baxsado barta laga ilaaliyo madaxtooyada ee Isgoyska Ceelgaabta, isagoo markaas kadib ay rasaas ku fureen ciiiamada fadhiya iridka madaxtooyada ee kasoo horjeedka Hotel SYL iyo ciidamadii uu ka soo baxsaday, waxayna ku kaliftay inuu ku cararro jidka Maka Almukarama isagoo markii dambe ku rogmaday Derbiga Taalladda SYL jidka taga Beerta Nabadda, isagoo halkaas ku qarxay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON