Monday, June 23, 2025

Alshabaab oo shaacisay Magaca & Beesha uu kasoo jeedo Is-miidaamiyihii isku Qarxiyey Hotel Cas-casey.

Xarakada Alshabaab ayaa shaacisay magaca iyo beesha uu kasoo jeedo Is-miidaamiyihii watay gaariga ee ku qarxiyey albaabka Hotelka Cas-casey ee magaalada Kismaayo, kaasoo furay weerarkii dhiigga badan ku daatay ee lagu dilay dadka badan.

Wareysi caadiyan Alshabaab ka qaado dadka is-miidaamiyeyaasha ah ayaa laga sii daayey Idaacadda Alshabab ee Andalus, wuxuuna ninkan oo ka mid ahaa is-qarxiyeyaasha diayarsan ee Alshabaab ka hadlay taariikhdiisa iyo halka uu kasoo jeedo.

Is-miidaamiyahan waxaa lagu magacaabi jiray Zakariye Maxamed Deeq Cali  oo loo yiqiin (Muscab Fadhi Koow), wuxuuna kasoo jeeda beesha Dir gaar ahaan jufada WARDEY oo dega gobollada Jubbooyinka, wuxuuna sheegay inuu Alshabaab ku biiray isagoo yar oo aan qaan gaarin.

Ad

Waxaa kaloo la sheegay in wiilkan aabihii Maxamed Deeq uu ka mid yahay Alshabaab, isagoo falka uu sameeyay u arka mid uu Alle ugu dhowaanayo oo uu janno ku helayo.

Shalay ayey ahayd markii ay Alsahbaab shaacisay hoggaamiyihii weerarka lagu qaaday Hotelka Cas-casey ee magaalada Kismaayo oo iska kasoo jeeday Beesha Eelaay ee degta Gobollada Bay iyo Bakool.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON