Wednesday, June 25, 2025

Alshabaab oo shaacisay Magaca & Beesha uu kasoo jeedo mid ka mida Raggii fuliyey Weerarkii Otto Otto

Kooxda Alshabaab ayaa shaacisay Magaca mid ka mia raggi fuliyey weerarkii qaraxyada ku bilwoday  ee lagu qaada  xarunta Otto Otto ee magaalad Muqdisho7-dii bishan oo ah xarun ay degan yihiin Wasaaradaha arrimaha Gudaha iyo Amniga.

Wareysi ay baahisay Warbaahinta Alshabaab oo lala yeeshay ninkan ayuu ku sheegay intii aanu gelin howlgalka inuu falkaasi yahay mid jihaad ah, waxaana lagu magacaabaa Cali Ibraahim Macalim Aadan (Cali Dheere) oo da’diisu ahayd 31 sano jir muddo ka tirsanaa ururka Al Shabaab.

Cali Ibraahim oo la sheegay inuu ahaa raggii  galay xarunta Otto Otto ayaa ka soo jeeday Beesha Hadame, ee degta degaanada Koonfur Galbeed, wuxuuna farriiin u diray waalidiintii dhalay, isagoo u sheegay inuu doortay fulnta howlgalkaasi.

Kooxda Alshabaab ayaa dardaaran ka duubta dadka u diyaarsan inay fuliyaan is-miidaaminta, waxaana markaas kadib laga sii daayaa warbaahintooda.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON