Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa dagaal culus ayaa galabta ka dhacay degaanka Shabeelow ee ka mida degaanaad hoostaga Bacaadweyne, kadib weerar ay ku qaadeen Alshabaab.
Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa dhex maray ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo maleeshiyada Alshabaab, wuxuuna socday saacado, isagoo soo gaaray maqribnimadii Caawa, isagoo dhaliyey qasaare xoog leh.
Dhinaca Galmudug ayaa shaacisay inta la xaqiijiyey inay ku dhinteen 10 Askari oo ka mid ahaa, Gaashaanle Maxamed Cali Salaad taliyihii ururka Horseed ee Daraawiishta Galmudug, lagu dhaawacay 10 kale, iyadoo dhinaca Alshabaab aan faahfaahin laga helin.
Dhinaca kale Alshabaab ayaa shaaciyay magacyada sarakaaiil ay sheegatay inay ku dishay dagaalka oo ay sheegtay inuu ka dhacay saadhiga degaanka Qeycad ku lahaayeen ciidamada Galmudug.
Alshabaab waxay sheegtay inay dagaalka ku dishay 30 qof oo isugu jiray askar iyo saraakiil sare oo ka tirsananaa ciidamada Galmudug iyo kuwa dowladda, ayna goobta ugu tageen meydadka ilaa 20 ka mida.
Magacyada saraakiisha ay Alshabaan shaacisay in la dilay ayaa kala ah:
1- Maxamed Cali Salaad oo ahaa taliye Ururka Horseed ciidamada Daraawiishta Galmudug oo isla dagaalka ku dhintay.
2- Xersi Cali Shire oo ah Taliyaha Mariniska Galmudug, kaasoo nolosha lagu qabtay, la toogtay markii Gaari lagala degay.
3- Cali Diini oo ahaa taliyii hore saldhiga degmada C/Casiis, haddana ahaa sarkaal ka tirsan Booliska Galmudug.
4- Taliye ku xigeenkii Ururka Horseed Daraawiisha Ciire Hirsige.
Waxay kaloo Alshabaab sheegatay inay dagaalka ku qabsadeen 3 gaari oo midkood ah uu lahaa Sanator Cabdi Xasan Cawaale. Ma jirto cid xaqiijisay sheegashada Alshabaab ee qasaaraha dagaalka maanta ka dhacay degaanka Shabeelow.
