Thursday, June 26, 2025

Alshabaab oo shaacisay magacyada Saraakiil lagu dilay Weerarkii Bariire & Buundo la qarxiyay [Akhriso]

Kooxda Alshabaab ayaa shaacisay magacyada saraakiil ay sheegtay inay ka tirsan ciidamada Soomaaliya ee Mareykanku tababaray oo lagu dilay weerarkii weynaa ee shalay ka dhacay Bariire.

Dhinaca kale Buundada Bariire oo ahayd tan qura ee la isaga goosho degaanadaasi ayaa la qarxiyay markii maleeshiyada Alshabaab ay miino ku xireen, taasoo hadda gebi ahaanba ku dhacday webiga.

MAGACYADA SARAAKIISHA ALSHABAAB SHEEGTAY INAY KU DISHAY WEERARKII BARIIRE WAXAA KA MIDA:

1- Mahad Dul-Dheer oo ahaa taliye Horin caan ka ahaa degaanka, oo ka tirsan.
2- Maxamed Cali oo ka mid ahaa saraakiishii  ku sugneed Saldhigga degaanka Bariire.
3- Cali Xasan oo ahaa Taliye Horin kana mid ahaa saraakiisha degaanka.
4- Faarax Yare oo ahaa sarkaal ka tirsan maleeshiyaatka sida gaarka ah Mareykanka u tababaray.

5- Xuseen Maxamuud Caddaan oo ku magac dheeraa Afraxoow wuxuu ahaa sarkaal Balidoogle lagu tababaray.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda iyadoo qasaaraha weerarkii Bariire la isku khilaafsan yahay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON