Warbaahinta Alshabaab ayaa shaacisay mas’uuliyiin u badan maamulka degmada Wardhiigley oo lagu dilay ama ku dhaawacmay qaraxii is-miidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay xarunta degmada Wardhiigley ee Gobolka Banaadir.
Xoghayihii degmada Wardhiigley Cali Aadan Warsame ayay Alshabaab sheegtay inuu dhaawac halis ah kasoo gaaray weerarka, halka uu sidoo kale ku dhaawacmay Agaasimaha guud ee Minishiibiyada degmada Wardhiigley, kaasoo magaciisa lagu soo koobay Cumar, sidoo kale saraakiisha weerarkaasi ku dhaawacmay taliye ku xigeenkiMinishiibiyada Degmada, sida Alshabaab laga soo xigtay.
Xubnaha ku dhaawacmay qaraxa waxaa kaloo ka mida nin lagu magacabao Cabdi Guure iyo haweeneyda Dahabo Salaad oo la sheegay inay ahaayeen laba Guddoomiye Waaxeed oo ka tirsan degmada Wardhiigley.
Dadka ku dhintay weerarkii xarunta Degmada Wardhiigley ayey Alshabaab ku sheegtay inuu ka mid ahaa Madaxa Caashuuraha degmada oo ka tirsnaa NISA iyo laba guddoomiye waaxeed.
Ma jirto cid xaqiijisay sheegashada Alshabaab, laakiin taliye ku xigeenka Booliska ayaa sheegtay in afar qof lagu dilay 9 kalena ay ku dhaawacmeen. Dadka dhaawacooda la xaqiijiyey waxaa ka mida xoghayihii degmada Wardhiigley.