Friday, June 27, 2025

Alshabaab oo shaacisay tirada Odayaasha ay diiwaan gelisay & 10 Berri oo loo qabtay Odayaasha harsan. [Akhriso]

Alshabaab ayaa shaacisay tirada odayaasha dhaqanka ee ay diiwaangelisay, kadib markii ay ka faa’iideysteen muddo 45 Casho ah oo ay u qabtay inay ku towbad keenaan, iskana xaadiriyaan goobaha ay ka taliyaan Alshabaab.

War kasoo baxay alshabaab ayaa lagu sheegay in muddo 10 maalmood ah loogu daray ilaa 213 Oday oo aan weli iska diiwaangelin degaanada Alshabaab ka taliyaan, iyadoo ay shalay ku akeyd mudaddii 45-ta maalmood ahayd ee madaxda ALSHABAAB u qabteen Odayaasha soo xulay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Baarlamaannada dowlad Goboleedyada.

Alshabaab ayaa sidoo kale sheegtay inay degaanadeeda iska diiwaan geliyeen 635 oday oo iska xaadiriyey degaanada ay ka taliyaan Alsahbaab, iyadoo hore loo soo bandhigay 159 oday oo muxaadaro loogu qabtay degaanada Buq Aqable iyo Buula-Fulaay oo ka mida Hiiraan iyo Bakool.

Alsahbaab ayaa sidoo kale laga soo xigtay in xilligan ay degaanadooda ku sugan yihiin ilaa 263 oday oo is diiwaangelin iyo cafis u doontay. Waxaana madaxda Xarakada Alshabaab ay mar kale ugu baaqeen odayaasha soo xulay xildhibaanada inay ka faa’ideystaan 10 maalmood ee loogu daray.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON