Alshabaab ayaa war ay soo saartay ku sheegtay mas’uuliyadda qarax lagu dilay Injineer Turki ah, kadib qarax loogu xiray Gaarigiisa magaalada Muqdisho.
Warka kasoo baxay Xarakada AlShabaabul ayaa lagu sheegatay ay ka danbeeyeen qaraxa lagu dilay sarkaal katirsan dowladda Turkiga oo ka howlgelayay saldhigga Meleteri ee Turkigu ku leeyihiin magaalada Muqdisho, sida lagu sheegay warka kasoo baxay Alshabaab.
AlShabaab ayaa hor u sheegtay inay beegsaneyso Turkiga ku sugan Soomaaliya oo ay ku eedeysay inay ciidan ahaan u taageeraan dowladda Soomaaliya. Qaraxa lagu dilay Injineerka Turkiga ayaa ka dhacay Isgoyska KM ee magaalada Muqdisho.