Alshabaab ayaa sheegatay inay saaka dib ula wareegtay degaanadkii Gobolka Sh/Dhexe ee dhowaan ay ka qabsadeen ciidamada dowladda.
Warar ay faafiyeen Alshabaab ayey ku sheegteen in ciidamadii inay maleeshiyada Al-shabaab ay dib ula wareegeen deegaannada: War-ciise, Qoordheere iyo degaano kale ee udhow markii ay ka baxeen ciidamadii dowladda.
Ciidamada dowladda ayaa la sheegay inay tageen degaanka Biyo-cadde oo ay saldhig weyn ku leeyihiin ciidamada Burundi ee ka tirsan AMISOM; Laakiin ma jiro wax war ah oo arrintan ay kasoo saareen Taliska ciidamada xoogga dalka iyo cid dhexdhexaad ah oo xaqiijisay.
Degaanadan ayaa dhowaan looga qabsaday Alshabaab kadib howlgal ay qaadeen ciidamada dowladda, waxaana dagaal culus oo dhex maray labada dhinac lagu dilay saraakiil uu ka mid yahay taliyihii ururka 6-aad ee ciidamada gorgor Gaashaanle Maxamed C/wahaab Faarax, halka dowladda ay shaaciyay inay dagaalka ku dishay ilaa 70 dagaalame oo Alshabaab ah.
