Thursday, June 26, 2025

Alshabaab oo sheegatay inay la wareegtay Xerada Laanta-buur ee Gobolka Sh/Hoose

Alshabaab ayaa sheegatay inay la wareegtay xerada Milateriga Laanta-buur ee gobolka Sh/hoose, kadib dagaal culus oo ay xalay ku qaaday.

Xerada oo markii hore saldhig u ahayd AMISOM ayaa waxaa ku harsanaa ciidamo ka tirsan Milateriga Soomaaliya oo xilliga weerarka dhacayay ku sugnaa, waxaana la sheegay inay isaga baxeen markii weerarka lagu soo qaaday oo dhinaca Afgooye u gurteen.

Dadka degaanka ayaa laga soo xigtay inay ciidamadii ku sugnaa xerada Laanta-buur ay aadeen dhinaca Afgooye, kadib dagaal kooban oo dhex maray maleeshiyada Alshabaab oio weerar gaadmo ahaa ku qaadya xerada.

Ciidamada milateriga ee xerada ku sugnaa ayaa la sheegay inay wateen ilaa 6 gaari oo kuwa dagaalka ah, kadibna waxaa halkaasi la wareegay maleeshiyadii Alshabaab.

Weerarkan ayaa ka mida olole Alshabaab ka wado Koonfurta Soomaaliya oo sii xoogeysanaya, iyadoo ciidamada AMISOM iyo dowladda Federaalka isku koobeen is difaac iyo dib u gurasho.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON