Alshabaab ayaa shaacisay inay magaalada Muqdisho ku dishay laba sarkaal oo ka tirsanaa ciidamada Nabadsugidda ee NISA, weerar ka dhacay degmada Shibis .
Warka kasoo baxay Alshabaab ayaa lagu sheegay in Dabley ka tirsanoo bistoolado ku hubeysnaa ay weerar ku qaadeen xalay saraakiishan oo ku sugneyd xaafada Buulo-shiidle ee ka tirsan degmada Shibis, waxaana rasaas lagu furay lagu dilay laba sarkaal oo ka tirsanaa Hay’adda Nabadsugidda dowladda, ayna ka qaateen laab Bistoolad oo ay wateen.
Warar laga helay dadka degaanka falku ka dhacay ayaa sheegay in afar qof oo mid ka mida ay Haweeney ahayd lau weerarray degmada Shibis, waxaana goobta ku geeriyooday mid ka mida raggii, iyadoo saddexda kale ay ku dhaawaceen rasaasta ay ku furtay dableyda weerarka ku qaaday oo bistoolado sitay, waxaana baxsaday dableydii falkaasi geystay.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay hay’adaha amniga dowladda Somalia, iyadoo sidoo kale ay Alshabaab sheegatay inay bistooladii ay siteen saraakiisha la toogtay ay ka furteen, taasoo aan la xaqiijin.