Sunday, July 13, 2025

Alshabaab oo sheegatay Madaafiic lagu weerarray Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya

Tiro madaafiic ah oo xalay lagu weerarray xaruna Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa mas’uuliyadda sheegtay Alshabaab.

Ilaa 7 madfac ayey Alshabaab shaacisay inay ku weerartay Villa Somaliya, iyadoo dhammaan madaafiicdaasi ku dhaceen gudaha madaxtooyada, sida lagu sheegay warka Alshabaab.

Dadka ku nool agagaara Madaxtooyada Soomaaliya ayaa xalay xaqiijiyey weerarka madaafiicda oo ay tiradooda ku sheegeen 5 madfac, iyadoo aan faahfaahin laga bixin qasaaraha ay geysteen.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Hay’adaha Amniga iyo Gobolka Banaadir oo ku saabsan madaafiicda xalay kusoo dhacday agagaarka Madaxtooyada.

Alshabaab ayaa sii xoojisay weerarrada kala duwan ee ay ka geysaneyso xilligan magaalada Muqdisho oo shalay ay ka fulisay weerar is-miidaamin ah oo lagu qaaday Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON