Wararka laga helayo gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in qarax lala beegsaday ciidamada AMISOM ee ka socda dalka Burundi oo socod ilaalo ah ka waday degaanka Gololey.
Qaraxyada oo la sheegay inay ahaayeen miinooyinka dhulka lagu aaso ayaa haleelay ciidamada dhulka socday iyo gaari ay wateen oo burbutay, waxaana dadka degaanka ay sheegeen inay qaraxyada geysteen qasaare kala duwan.
Alshabaab ay war ay soo saartay ku sheegatay mas’uuliyadda qaraxyada ka dhcay degaanka Gololeey ee duleedka degmada Bacad, laakiin wax faahfaahin ah kama bixin. AMISOM ayaan wax war ah kasoo saarin weerarkan.
Jidka u dhaxeeya Balcad iyo Jowhar ayaa waxaa si joogto ah uga dhaca qaraxyo iyo weerarro gaadmo ah oo Alshabaab ka fuliso.