Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax Gaari loogu xiray sarkaal sare oo xalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Wararka ayaa sheegaya qaraxa lala beegsaday sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Puntland, kaasoo ku dhaawacmay Qaraxa. Sarkaalka qaraxa lagu dhaawacmay ayaa lagu magacaabaa C/Casiis Faarax Maxamed (Istakiin) oo la sheegay inuu ahaa madaxii saadka ciidamada isku dhafka ah ee ka howlgala magaalada Gaalkacyo.
Alshabaab ayaa sheegatay ms’uuliyadda dhaawaca sarkaalkan, waxayna War ay soo saartay ku sheegtay in xubno ka tirsan Xarakada Al Shabaab ay fuliyeen weerarkaasi.
Magaalada Gaalkacyo ayaa ka mida meelaha ay sida weyn uga dhacaan qaraxyada iyo dilalka qorsheysan, iyadoo ay sheegato Alshabaab.