Saturday, June 28, 2025

Alshabaab oo sheegatay Sarkaal Boolis ah oo lagu dilay Muqdisho & Mas’uulkii ka badbaaday Qaraxii..

Alshabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qarax iyo fal khaarijin ahaa oo saacdihii ugu danbeeyay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Warka kasoo baxay Alshabaab ayey lagu sheegay in dabley ka tirsan kooxdaasi ay degmad Hodon ee magaalada Muqdisho ku dileen sarkaal ka tirsan ciidamada Booliska oo magaciisa ay ku sheegeen Mahad Bidaarey, waxaana baxsaday dableydii falkaasi geysatay.

Dhinaca kale Alshabaab ayaa sheegatay qaraxii shalay ka dhacay isgoyska Taleex ee magaalada Muqdisho, kaasoo lala beegsaday Gaari uu lahaa mas’uul ka tirsan dowladda Soomaaliya. Alshabaab ayaa sheegatay inay qarax la beegsadeen agaasimaha wasaaradda Howlaha guud Axmed Maxamed, balse uu ka badbaaday, iyadoo uu ku dhintay darawalkisii.

Hay’adaha Amniga dowladda Soomaaliya iyo maamulka G/Banaadir ayaan wax war ah kasoo saarin falalka amni darro ee ugu danbeeyay caasimadda Muqdisho.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON