Kooxda Alshabaab ayaa sheegtay inay ka dambeysay weerarkii Bambaane ee xalay lagu qaaday Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xasan Nuux.
War qoraal ah oo Al-shabaab ay soo dhigeen warbaahinta taageerta ayay ku shaaciyeen inuu ka dirqi kaga fakaday Wasiir Nuux, kadib markii xalay fiidkii Qarax Bam ay ku weerareen isla markii uu gaarigiisa ka ka degay.
Kooxda Al-shabaab ayaa sheegatay in uu dirqi uga baxsaday qaraxa oo lagu dhaawacay mid ka mid ilaaladii la socotay.
Alshabaab ayaa balan qaaday inay sii wadi doonto beegsida madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya.
Goobjooge.com