Kooxda Al-shabaab ayaa sheegtay inay la wareegtay degaanka Basra ee hoos yimaada degmad Balcad, kadib weerar culus oo galabta ka dhacay halkaasi.
Warbaahinta Alshabaab soo werisay in maleeshiyadooda ay gudaha u galeen degaanka Basra oo maalmo ka hor ay ka qabsadeen ciidamada xoogga dalka, kadib markii ay ka baxeen ciidamada dowladda.
Wararkii ugu danbeeyay ee dadha degaalka laga helay ayaa sheegaya in maleeshiyada Alshabaab lagu arkay galabta degaanada Basra ku xeeran iyadoo dadka degaanka ku amray inay isu soo baxaan, kadibna kula hadlay.
Dagaalka galabta dhex maray ciidamada xoogga dalka ee la sheegay inay ka baxeen degaankaasi iyo kuwa Alshabaab ayaa dhaliyay qasaare iyadoo aanay weli wax war ah kasoo saarin dhinaca ciidamada dowladda.