Thursday, June 26, 2025

Alshabaab oo sheegtay isku day lagu khaarijin lahaa Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Somalia

Kooxda Alshabaab ayaa sheegatay qarax maanta lala beegsaday kolonyo uu la socday wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya C/llaahi Colaad Rooble.

War kasoo baxay xarakada Alshabaab ayaa lagu sheegay inay ka dambeysay qarax miino oo lala beegsaday gaadiid uu la socay  wasiir ku xigeenka Gaashnaadhigga C/llaahi Colaad Roobe xilli uu ku sii jeeda ka qeybgalka xafladii ay xilka kula kala wareegayeen taliyeyaasha ciidamada Xoogga dalka.

Qaraxa ayaan wax qasaare ah u geysan wasiir ku xigeenka iyo gaadiidkii uu la socday, wuxuu  dhacay wax yar kadib markii ay gudbeen halka qaraxa la dhigay, waxaana la sheegay inay dad shacab ah waxyeelo kasoo gaartay.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka oo ay sheegeen in loola dan lahaa  C/llaahi Colaad Rooble oo ah Wasiir ku xigeenka wasaaradda Gaashaandhigga dowladda Federaalka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON