Thursday, June 26, 2025

Alshabaab oo soo bandhigay magacyada Saraakiisha ay ku dileen Weerarkii Hotel Naasahablood II [Akhriso]

Kooxda Alshabaab ayaa shaacisay magacyada mas’uuliyiin iyo saraakiil ay ku dileen weerarkii ay ku qaadeen Hotelka Naasahablood 2 oo ay sheegeen inuu leeyahay Wasiirka Amniga.

Warbixinta oo laga akhriyay idaacadda Andalus ee ku hadashay afka Alshabaab ayaa lagu sheegtay in weerarka lagu dilay 70 qof oo ay ka mid yihin xildhibaanno hore iyo wasiirro saraakiil sare oo ciidan.

HOOS KA AKHRISO MAGACAYADA ALSHABAAB BAAHISAY EE AY SHEEGTAY IN LAGU DILAY HOTELKA NAASAHABLOOD

1. Cabdi Naasir Gaarane, oo ahaa Xildhibaan hore, hadana kamid ahaa Saraakiisha Gudiga Taakuleynta ciidamada dowladda.

2. Korneel Maxamed Yuusuf Nuur Fanax oo ahaa Taliyihii ciidamada Booliiska degmada Dayniile, waxaana la dhintay ilaaladiisa.

3. Xasan Buufoow oo ahaa Korneel katirsan Nabadsugidda, una qaabilsanaa hogaanka Maaliyadda.

4. Gaashaanle Bootaan oo ahaa Taliye Booliis, waxaa la dhintay Istaafkiisa.

5. Madoobe Nuunoow oo ahaa Waziirkii arimaha gudaha maamulka Koonfur Galbeed, horayna xilal kala duwan usoo qabtay.

6. Zakariye Gaab oo ahaa La Taliyaha Waziirka Amniga ee dowladda Federaalka.

7. Maxamed Xasan oo kamid ahaa Xillbinaadii hore, wuxuuna dowladdii Xasan Sheekh kasoo noday Wasiiru dowle.

8. Qunsulkii Itoobiya u joogay Muqdisho oo lagu amgacaabo Abraha Welda ayaa kamid ah dadka la dilay.

9. Guuleed Muuse Maxamed Aadan oo ahaa taliyaha howlgalada Nabadsugida qeybta bari oo ah degmooyinka Yaaqshiid, Kaaraan, Shibis iyo Cabdi Casiis.

Ma jirto cid xaqiijisay sheegashada Alshabaab, laakiin qaar ka mida dadkan ayaa ka mida dadkii  lagu dilay weerarkii Hotelka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON