Monday, June 23, 2025

Alshabab oo soo bandhigtay 95 ka mida Odayaasha iska diiwaan geliyey Degaanada Hirshabelle [Sawirro]

Al Shabaab ayaa soo bandhigtay qeybtii labaad Odayaasha soo xulay xildhibaannada Baarlamaanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada dalka, kadib amarkii loogu hanjabay inay towbad keenaan oo iska diiwaan geliyaan degaanda Alshabaab.

Qeybtan labaad aya ka kooban rag iy Dumar ka mida ergadii maamulka Hirshabelle soo xushay, waxayna ka yimaadeen magaalooyinka Jowhar, Beledweyne iyo Muqdisho, iyadoo tiradoodau gaareysay 95 oo 11 ka mida ay ahaayeen haween sida ay Alshabaab sheegtay.

Waxaa lagu soo bandhigay degaanka Buq Aqable iyadoo ay qaateen seminaar u socday muddo 10 maalmood ah, waxaana loo xiray Koofiyado iyo cimaamado cusub, iyagoo halkaasi hadallo ka jeediyey, kuwaasoo intooda badan ay ku amaaneen Alshabaab.

Arrintan ayaa kusoo beegmeysa iyadoo degmada Ceelbaraf ee Gobolka Sh/Dhexe lagu xiray odayaal iska diiwaan geliyey degaanda Alshabaab ka taliso.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON