Iyadoo Alshabaab ay wado olole ay ku diiwaangelineyso ergada dooratay xildhibannada Baarlamaanka Federaalka, kadib markii ay waqti u qabteen ayaa soo bandhigtay qaar ka mida ergadii soo dooratay xildhibaan iyo wasiir caan ah oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Warbaahinta Alshabaab ayaa codad kasoo duubtay 6 ka mida Ergadii soo dooratay xildhibaannadii soo xulay Xildhibaan Saalim Caliyow Ibrow oo noqday wasiir ka tirsan xukuumadda, marna isku sharxay xilka guddoomiyaha Baarlamaanka federalka Soomaaliya.
Ddka la wareystay waxaaka mida Khadiijo Siidoow Busto iyo Kuuseey Eenoow Cusmaanoow waxay oo sheegay inay magaalada Baydhaba ku doorteen Xildhibaan Saalim Caliyoow Ibroow, waxayna sheegeen in lacag dhan 500 doolar la siiyey markii ay doorashada ka qeyb galeen.
Alshabaab ayaa bilaabay inay cabsi geliyaan ergada soo dooratay xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka, waxayna diiwaan geliyaan xubno ku dhow 1000 ergo.
HALKAN KA DHAGEYSTO