Monday, July 7, 2025

Alshabaab oo soo bandhigtay Sarkaal ka tirsanaa ciidamada K/Galbeed oo isku dhiibay

Alshabaab ayaa soo bandhigtay inuu isku soo dhiibay sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidamada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.

War kasoo baxay Alshabaab oo ay baahiyee warbaahinta taageerta ayaa lagu sheegay Col. Mustaf Xasan Axmed oo ka tirsanaa ciidamada Darawiishta K/Galbeed, isgoo kasoo goostay degmada Xudur, isla markaana ku tababartay Bardaale.

Sarkaalkan ayey Alshabaab geeyeen degaanka Buula Fuulay, waxaana uu warbaahinta Alshabaab u sheegay inuu ka caroorday dhibaatada ciidamada Itoobiya ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Col. Mustaf Xasan ayaa Alshabaab u sheegay inuu go’aansaday inuu ka baxo ciidamada K/Galbeed, inuu ka mid noqon doono shacabka.

Ma jiro wax Wararka ayaa sheegaya ah oo kasoo baxay maamulka K/Galbeed oo ku saabsan sarkaalka la sheegay inuu ka goostay ciidamadooda.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON