Alshabaab ayaa xukun toogasho ah ku fulisay oday da’ ah oo guddoomiye xaafadeed ka ahaa magaalada Jowhar, kaasoo degaanka Fiidow ee Alshabaab ka taliyaan u tegay marqaati la xiriira dacwad ku saabsaneyd arrimo Dhul.
Guddoomiyihii xaafadda Buulo Sheekh ee degmada Jowhar Cali Cabdullaahi Xasan Sheekh Maxamuud oo 82 sano jir ahaa ayaa shalay lagu toogtay fagaare ku yaalla degaanka Fiidow ee xuduudka Gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe, kadib markii ay maleeshiyada Alshabaab qabsadeen xilli uu qeyb ka ahaa dacwad dhul oo Alshabaab ay qaadeysay, isagoo halkaas u tegay marqaati ahaan.
Sida la xaqiijiyay gudoomiye Cali ayaa tagay deegaanka Fiidow mudo bil ka hor isagoo marqaati fur u ahaa garab ka mid ah dad ay ka dhexeysay dacwad oo garsoor u doontay maxkamadda ay Al-Shabaab ku leeyihiin Fiidow.
Alshabaab ayaa sheegay in Odayga uu qirtay inuu ka mid ahaa maamulka Hirshabeelle, sidaasina lagu toogtay oo xukun lagu fuliyey. waxaana muddo bil ku dhow lagu heystay degaanka Fiidow, iyadoo laga saaray dacwadii uu Alshabaab ugu tegay, dembina lagu soo oogay.
Xukunka toogashada Oday Cali ayaa waxaa la isugu yeeray dadweynaha degaanka oo hortooda lagu toogtay, iyadoo maxkamad Alshabaab ay sheegtay inuu qirtay dembiyadii lagu soo eedeeyay.