War kasoo baxay Alshabaab ayaa lagu beeniyey Warkii kasoo yeeray Maamulka Somaliland ee ku saabsanaa in maleeshiyo AlShabaabul ay ka dagaalamayaan magaalada Laascaanood, qaarkoodna ay qabteen.
Qoraal Al-Shabaab ayaa si adag loogu beeniyay Warka Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland, waxaana lagu xaqiijiyey in hadalkaasi aanu sal iyo raad lahayn, isla markaana aysan Alshabaab ku lgu lahayn dagaalka Laascaanood ka socda.
Alshabaab Waxay Somaliland ku eedeysay inay arrintan marmarsiimo ugu sameysanayso xasuuqa ay ku hayso shacabka rayidka ah, sida lagu yiri Bayaanka kasoo baxay Alshabaab.
“… Al-Shabaab ma aqbalayso in magaceeda laga dhigto marmarsiiyo lagu banaysto nafta, maalka iyo sharafta bulshada reer Laascaanood, wuxuuna maamulka.. isku magacaabay Somaliland doonayaa inuu eedeymahaas been-abuurka ah kaalmo uga helo gaalada caalamka..” ayaa ka mi dahaa Qoraalka kasoo baxay Al Shabaab.
Somaliland ayaa marar badan ku celcelisa yinay argagixiso kula dagaalamayso magaalada Laascaanood, taasoo ay beeniyeen dadka degaanka.