Thursday, July 3, 2025

Alshabaab oo War Cad kasoo saartay Dilkii Wasiir ka tirsan Maamulka Hirshabeelle

Alshabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilkii qorsheysnaa ee xalay magaalada Jowhar lagu khaarijiyey Marxuum Nuur Xaashi Warsame oo ahaa xildhibaan iyo Wasiiru dowle ka tirsan maamulka Hirshabeelle.

Taliska Maleeshiyada Alsahbaab ayaa shaaciyey in ciidamado si gaarka ah u tababarran oo Alshabaab ka tirsan ay khaarijiyeen Wasiiru dowlaha ka tirsan Hirshabelle, waxaana qoraalka Alshabaab lagu yiri: “Howlgal gaar ah oo ciidamadeenuxalay ka fuliyeen gudaha magaalada Jowhar, waxayna ku dileen Xaashi Nuur oo ka tirsanaa Maamulka Ridada Hirshabelle ahaana wasiiru dowle”.

Alshabaab ayaa hore magaalada Jowhar ugu dishay sidan oo kale Wasiirkii Beeraha Hirshabeelle C/qaadir Abuukar Karraani, waxaana arrintan loo arkaa inay xoojisay ololaha ka dhanka ah magaalada Jowhar iyo maamulka Hirshabeelle oo xaalad doorasho ku jira xilligan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON