Kooxda Alshabaab ayaa war kasoo saartay weerar Cirka ah oo dowladda Itoobiya ay sheegatay inay ku dishay ilaa 70 ka tirsan maleeshiyada Alshabaab.
Mas’uul katirsan Xarakada Al Shabaab warbaahinta kooxdaasi u sheegay inaysan jirin wax duqeymo ah oo ay la kulmeen ciidamadooda, isagoo warka kasoo yeeray Itoobiya ku tilmaamay been aan aan jirin oo la dhoodhoobay.
ALshabaab ayaa sheegty in warka kasoo yeeray dowladad Itoobiya ay la yaabeen, isla markaana aysan dhicin wax duqeyn ah, isla markaana aysan ka war heynin meel ay diyaarad Itoobiyaan ku beegsadeen ciidamada Alshabaab iyo cid laga dilay midna.
Dhowaan ayey dowladda Itoobiya shaacisay arrintan markii Gen. Yilma Merdassa uu 15-kii September u sheegay warbaahinta Fanabc in duqeyn diyaaradeed ay ku dileen 70 ka tirsan dagaalyahannada Al Shabaab.
Itoobiya ayaan wax faahfaahin ah ka bixin duqeynta halka ay ka dhacday iyo sida ay u dhacday iyadoo ay tahay markii ugu horeysay oo dhowaanahan ay Itoobiya sheegato duqeyn cirka ah oo ka dhacay Soomaaliya.