Alshabaab ayaa war kasoo saartay qarixii is-miidaaminta ahaa ee shalay galabtii ka dhacay goob laga ilaaliyo Madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.
Warka Alshabaab ayaa lagu sheegay in Weerarka oo ahaa howlgal is-miidaamin ah ay la beegsadeen saraakiil iyo ciidamo ka tirsan ilaalada madaxtooyada oo goobta ku sugnaa xilligii uu weerarku dhacayay, isla markaana ay ku dileen 6 ka tirsan saraakiisha iyo ciidamada Dowladda, kuna dhaawaceen in ka badan 10 kale, kuwaasoo u badnaa ilaalada gaarka ah ee xarunta Madaxtooyada.
Dowladda Soomaaliya ayaa dhinaceeda shaacisay in Weerarka oo uu geystay qof naftii halige ahaa inay ku dhinteen 3 qof oo midkood ahaa wiil yar oo Caseeye, laakiin wararkii ugu danbeeyay ayaa tirada dhimashada gaarsiiyey 5 qof.
