Wednesday, July 2, 2025

Alshabaab oo War kasoo saartay Qarixii lagu dilay Mas’uuliyiinta Degaanka Garasbaalley ee Muqdisho

Alshabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerar Qarax Miino ahaa oo maanta lal beegsaday mas’uuliyiin ka tirsan degaanka Garasbaalley ee magaalada Muqdisho.

Qarax oo ahaa miino ayaa qabsaday Gaari ay la socdeen Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyasaadda Garasbaalley, waxaana ku dhintay 3 qof oo uu ka mid yihiin guddoomiye ku xigeenkii Cali Maxamed Macalin iyo guddoomiyihii dhalinyarada Guddoomiyihii dhalinyarada Cabdirashiid Cali Dubbad.

War kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in qaraxa lagu dilay laba mas’uul iyo askari ilaala u ahayd, kaasoo ka dhacay Ex, Kontrol Afgooye, iyadoo lagu dilay guddoomiye ku xigeenkii amniga iyo siyaasadda u qaabilsanaa maamulka Garasbaaleey iyo sarkaal kale, Wxay kaloo Ashabaab sheegtay inay qaraxa ku dhinteen laba askari oo ilaalo u ahaa mas’uuliyiinta.

Alshabaab ayaa si weyn u kordhisay qaraxyada Miinada oo muddooyinkii danbe lagu laayey dad badan oo mas’uuliyiin iyo saraakiil ku jiraan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON