Wasiirkii hore ee Waxbarashada C/llaahi Goodax Barre ayaa si Kulul ugu eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Taliyaha Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA Fahad Yaasiin inay galeen Qiyaano Qaran.
Xildhibaan Goodax faallo ka bixiyey muuqaal baraha Bulshada lasoo geliyey oo ku saabasn Aabe Soomaaliyeed oo la ilmeynaya wiilkiisa ku dhintay dalka Eritrea, kadib markii NISA u sheegtay inuu tababar ku dhintay ayaa sheegay inay tahay arrin mas’uuliyad darro ah.
“Ma jirto khiyaano Qaran oo ka weyn, waana arrin aan looga hari doonin Fahad iyo Farmaajo dambigan ay ummadda Soomaaliyeed ka galeen…” ayuu qoraalkiisa ku yiri C/llaahi Goodax oo sii raaciyey: “Waa arrin aad u fool xun, murugo iyo masuuliyad darro aan qiil lahayn. Waxay walwal iyo walaac badan arrintan kusii abuureysaa waalidiinta Soomaaliyeed ee ubadkooda u hibeeyay in ay difaacaan dalka iyo dadkooda. Waxay caqabad ku noqon doontaa in la helo dhallinyaro mustaqbalka ku soo biirta ciidamada qalabka sida..”

