Wednesday, July 16, 2025

Alshabaab oo War yaab leh kasoo saartay Gaari ay ciidamada Danab sheegeen inay ka gubeen.

Iyadoo dagaalka uu sii xoogeysanayo dagaalka ciidamada dowladda oo kaashanaya maleeshiyada degaanka iyo Alshabaab ku dhex maraya Gobollada Dhexe ayaa waxaa barbar socda dagaalka Warbaahinta labada dhinac.

Wararkii ugu danbeeyay ee warbaahinta labada dhinac faafiyeen ayaa waxaa ka mida: In ciidama dowladda ay qabsadeen Degaanka Buq Aqable, balse markii danbe ay soo baxday xaqiiqada ah in howlgal ay ka fuliyeen ciidamada kumaandooska Sanab.

Arrinta ugu danbeysay ayaa noqotay in Alshabaab ay si weyn uga hor timid Gaari Cabdi Bille ah oo Danab ay sheegtay inay ku gubtay degaanka Buq Aqable, kaasoo ay sheegatay inay gaarigaasi laga gubay Ciidamada Danab, balse ay isku sawireen.

Dhinaca kale Warbaahinta ciidamada dowladda iyo tan Qaranka ayaa soo bandhigay Gaariga Cabdi Billaha ah, iyagoo sheegay inay lahaayeen Alshabaab oo lagu gubay weerarkii ciidamada shalay ku qaadeen degaanka Buq Aqable.

“Ciidanka XDS ayaa gubay gaari Cabdibile ah oo maleeshiyaadka Alshabaab kaga carareen degaanka Buq-aqable ee Gobolka Hiiraan oo ay xalay howlgal qorsheeysan ka fuliyeen Kumaandooska Danab. Howlgal ayay Ciidanka XDS Sidoo kale ku dileen 11 dhagar-qabe oo katirsan argagixisada” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Taiiska ciidamada Milateriga.

Warbaahinta dowladda ee kala duwan ayaa si aan hore loo arag u xoojisay ololaha dagaalka lagu jiro Alshabaab, iyadoo markanu muuqata inay Warbaahinta Alshabaab uga adkaatay dacaayadii xaaladda dagaalka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON