Wednesday, July 2, 2025

Alshabaab oo Warbixin Yaab leh kasoo saartay sababtii ay u khaarijisay Weriye Jamaal Faarax

Warbaahinta Alshabaab ayaa shaacisay xog yaab leh ku saabsan weriye hore Jamaal Faarax Aadan oo ay dhowaan maleeshiyo ka tirsan ku dileen Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Alshabaab oo sheegatay mas’uuliyadda dilkiisa ayaa ku eedeysay in Weriye Jamaal Faarax Aadan inuu ka tirsanaa sirdoonka dharcadka ah ee la shaqeeya Maamulka Puntland, waxayna sheegeen inuu la dagaalami jiray dadka taabacsan Alshabaab iyo dadka ay ka muuqato diinta, xabsigana dhigi jiray.

Xogta Alshabaab ayaa lagu sheegay in Jamaal Faarax uu dadka ku kicin jiray inay Alshabaab la dagaalamaan, mar uu ka hadlay dilkii guddoomiyihii hore ee Gobolka Mudug Axmed Muuse Nuur, waxayna shaaciyeen codadkiisa oo dadka ku boorinaya inay la dagaalamaan Alshabaab.

Warbixinta Alshabaab ayaa u muuqatay inay Weriyaha hore u beegsadeen kadib markii hadal uu jeediyay uu si weyn u dhaliilay falalka dilka iyo qaraxyada ah ee ka dhaca Gaalkacyo, dadkana ugu baaqay inay la dagaalamaan Alshabaab.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON