Wararka laga helayo magaalada Marko ee xarunta Gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in kooxda Alshabaab ay dagaal culus ku qaadeen magaaladaasi oo dhowaan laga wada saaray.
Weerarka Alshabaab oo dhacay caawa Maqribnimadii kadib ayaa la sheegay dhowr jiho kasoo qaadeen Alshabaab, waxaana ugu xoog badnaa dhinac Jilib Marka, iyadoo dagaalku socday muddo saacad ku dhow, iyadoo hub waaweyn ay labada dhinac is weydaarsadeen.
Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa sheegay inay iska caabiyeen weerarka Alshabaab oo ay dib u celiyeen weerarkaasi, waxaana dadka degaanka ay sheegeen in hubka culus laga maqlayo magaalada saacado kadib dagaalkii dhacay, inkastoo la sheegay in Alshabaab dib loo riixay oo ay dib ugu noqdeen duleedka magaalada Marko.
Qasaaraha labada dhinac ayaan wax faahfaahin ah laga bixin, waxaana xaalad kacsan ka jirtaa magaalada, iyadoo weerarka caawa uu ahaa kan ugu weyn ee Alshabaab soo qaadeen intii magaalada ay la wareegeen ciidamada milateriga ee 14-ka Oktoobar.