Sunday, June 22, 2025

Alshabaab oo weerar culus ku ah degaanada Ahlu suna ee Gobollada Dhexe

Dhaqdhaqaaqyo ciidan oo xoog leh ayaa ka socda Gobolka Mudug, waxaana kooxda Alshabaab lagu soo waramayaa inay ciidamo iyo hub tiro badan ku ururisay halkaasi, iyadoo weerar ku ah degaanada Ahlu suna oo ay ugu horeyso Guriceel.

Maleeshiyada Alshabaab ayaa dadka degaankaasi sheegeen in laga keenay degaano badan oo Soomaaliya ka tirsan ayna u muuqdaan inay weerar culus qaadi doonaan maalmaha soo socda.

Saraakiisha dowladda Soomaaliya ee Galgaduud ayaa sheegaya in maleeshiyada Alshabaab ku soo daabushay gobolka Galgaduud ay dhan yihiin ilaa 100o dabley ah, waxayna fariisimo ka sameysteen degaanada Warxoolo iyo Biyocadde oo u dhow Guriceel.

Ad

Alshabaab ayaa hore weeraro dhinaca Badda ah ku qaaday maamulada Puntland iyo Galmudug, iyadoo qasaare ba’an ka soo gaaray, iyadoo xilligan ay diyaarineyso weerar ay ku qaado degaanada Ahlu sunna oo muddo dheer ay dagaalamayeen.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON