Wararka laga helayo gobolka Bay ayaa sheegaya in kooxda Alshabab ay weerar culus ku qaadeen Kolonyo baabuur ah oo ay galbinayeen ciidamada Burundi ee AMISOM.
Kolonyada ayaa ahayd gaadiid uu leeyahay maamulka Koonfur Galbeed oo ku socday magaalada Baydhaba, waxaana jid gooyo u dhigay maleeshiyo Alshabaab ka tirsan oo weerarka kula beegsaday meel u dhow degaanak Yaaq Bariweyne.
Wararka ayaa sheegaya in kolonyada ay ka koobneyd gaadiid ciidan iyo gaadiid kale oo dowladda Koonfur Galbeed ugu deeqday Imaaraadka Carabta iyo dowladda Soomaaliya, waxaana la sheegay in baabuur ka mida uu qabsaday baasuuke oo qeyb ahaan uu gubtay. Dagaalka labada dhinac ayaa socday muddo la ka badan laba saacadood ah.
Qasaaraha dagaalka ayaa la sheegay inuu gaarayo 6 dhimasho ah oo afar Alshabaab ah ka mid yihiin iyo dhaawac intaas ka badan, waxaana gurmad ahaan goobta dagaalka soo gaaray ciidamada Itoobiya ee AMISOM oo dagaalka dhinac ka galay, iyadoo kooxda Alshabaab dagaal culus kadib ay ka baxeen goobtaasi.
Kolonyada oo ay la wareegeen ciidamo Itoobiyaan ah ayaa socdaalkooda sii watay galabta iyagoo ku sii jeeda magaalada Baydhaba, waxaana dib uga soo laabtay ciidamadii Burundi oo ku noqday saldhigooda weyn ee Balidoogle.
Maxamed Isxaaq Xasan (Carra-Case) Taliye Ku Xigeenka Ciidamada Daraawiishta Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in qasaaraha u badan yahay dhinaca Alshabaab.
Goobjooge.com