Wararka laga helayo Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in kooxda Alshabaab ay weerar culus saarka ku qaaday saldhig ay ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ku leeyihiin Buuloburte.
Weerarkan oo ahaa mid xoog leh, waxaana weli socda rasaas ay is weydaarsanayaan labada dhinac iyadoo dadka degaanada u dhow kusoo warrameen qasaare labada dhinac soo gaaray.
Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa la sheegay inay weerar dhinacyo badan oo Culus ku qaadeen saldhigga ciidamada Jabuuti iyo kuwa Dowladda i ee Buula-Burte, waxaana dagaal qaraar dhex maray labada dhinac.
Dagaalka ayaa socda in ka badan saacad, waxaana hawada ka baxay isgaarsiintii degaankaasi, taasoo sii cakirtay wararka dagaalkaasi laga heli lahaa.