Maleeshiyada Alshabab ayaa weerar culus xalay ku qaaday saldhigyo ay ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Federaalka ku leeyihiin degmada Shalanbood.
Wararka laga helayo dadka degaanka ayaa sheegaya in maleeshiyada Alshabaab ay weerarko laba dhinac ah ku qaadeen Shalanbood iyadoo halkaasi laga maqlay rasaas iyo madaafiic la is weydaarsaday oo keenay inay dadkii magaalada qaar ka mida ka qaxaan.
Alshabaab ayaa durba sheegatay inay weer ku qaaday Degmada Shalanbood oo ay muddo saacado ah gacanta ku heystay intii aanay markii dambe isaga bixin, waxayna intaas ku dartay inay qasaare weyn u geysteen ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda, arrintaas oo aan la xaqiijin.
Alshabaab ayaa xoojisay weeraro kedis ah oo ay ku qaadeyso xeryaha ciidamada AMISOM iyo degmooyinka ay ku sugan yihiin ciidamad dowladda iyo kuwa AMISOM, waxaana ugu dambeeyay weerarkii ay dhowaan ku qaadeen degmada Afgooye.
Goobjooge.com