Maleeshiyada kooxda Alshabaab ayaa weerar culus ku qaaday degaano ka tirsan gobolka Shabeelada hoose iyadoo la wareegay degaano dhowr ah.
Wararka laga helayo gobolka ayaa sheegaya weerarka oo ahaa mid saf balaaran ay kooxda ku ekeeyeen degaanada Tixsiile, Warmaxan iyo Garas Wandiile, waxaana weerarkan uu dhacay aroorninadii saaka.
Kooxda Alshabaab ayaa sheegatay inay la wareegtay degaanadaas oo ka tirsan degmada Wanwalweyn, ayna qasaare u geysteen ciidamada dowlada ayna qabsadeen labagaari oo ay lahaayeen ciidamada dowladda Federaalka.
Saldhiga ciidamada dowladda ee degaanka Warmaxan ayaa la sheegay inay AlShabaab bililiqeysteen. Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha ciidamada dowlada Soomaaliya.
Weerarkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee Alshabaab ,ku qaado dowladda Soomaaliya kadib doorashadii madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Goobjooge.com