Wararka laga heleyo Gobolka Baay ayaa sheegaya in weerar qorsheysan lagu dilay taliye ka tirsanaa ciidamada dowladda.
Weerarka oo ku bilowday Bam wadadda la dhigay ayaa lala beegsaday Gaar uu la socday taliyaha ciidamada milateriga degaankaasi Cumar Macalin Xasan, waxana qaraxa kadib halkaasi ka dhacay rasaas xoog leh oo labada dhinac ay is weydaasadeen.
Qaraxa iyo rasaasta ayaa la sheegay inuu ku dhintay taliyaha iyo laba askari oo ilaalo u ahayd, waxaa kaloo lagu dilay afar maleeshiyo oo ka tirsan kooxda Alshbaab, iyadoo falkan uu ka dhacay duleedka degmada Qansaxdheere.
Alshabaab ayaa weerarro joogto ah ku qaada ciidamada iyo saraakiisha dowladda Soomaaliya, waxaana weerarkan maanta uu ahaa mid gaadmo ah oo labada dhinac ay si weyn ugu dagaalameen.