Monday, June 23, 2025

Alshabaab oo weerar kedis ah ku qaaday Baraawe & Wararkii ugu danbeeyay

Kooxda Al-Shabaab ayaa weerar dhul iyo Bad ah ku qaaday degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelada hoose oo ah caasimadda aan lagu shaqeyn ee maamulka Koonfur Galbeed.

Weerarkan oo ahaa mid kedis ah, waxaana lagu soo beegay kadib saqdii dhexe ee xalay, waxaana ay la beegsadeen xarumo ay ka mid yihiin  saldhigga ciidamada xoogga, saldhigga booliska iyo xarunta maamulka.

Ciiidamo Alshabaab ka tirsan ayaa dhinaca xeebta ka soo galay Baraawe, waxaana dagaal xoog leh uu dhex maray ciidamadii ku sugnaa degmada iyo kooxda weerarka soo qaaday.

Ad

Gudoomiyaha Baraawe,ayaa sheegay inay iska caabiyeen weerarka Alshabaab oo laga saaray degmada haddana ay ku sugan yihiin meel 20KM u jirta degmada oo ay sii baacsanayaan.

Alshabaab ayaa sheegtay inay in ku dhowaad 10 askari ku dileen weerarka Baraawe, isla markaana ay ka furteen gaadiid dagaal. Qasaaraha dagaalka ayaan weli la xaqiijin.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON